Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Qatar Dhib Intii Ku filan Soomaaliya Way u Geysatay”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Qatar Dhib Intii Ku filan Soomaaliya Way u Geysatay”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Arrimo ku aadan dowladda Qatar ee Soomaaliya, isagoo baaqna u diray.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda Qatar ay isku dayeeyso in muddo kordhin ay u sameeyso Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa Qatar ugu baaqay inay ay joojiso isku dayga ay muddo kororsiga ugu raadinayso Madaxda dowladda uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Qatar dhib intii ku filan Soomaaliya way u geysatay. Waxaan ugu baaqaynaa in ay joojiso isku dayga ay muddo kororsiga ugu raadinayso madaxda muddo xileedkoodii idlaaday” ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur.

Ugu dambeyn Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta uu dhamaca kaga jiro muddo kororsi in ay ka waantoobaan arrintaas, isla markaana kalsooni is geliyaan, shacabkoodana aaminaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com