Uganda oo weydiisatay Talyaaniga in ay Ciidamo u Dhisto Soomaaliya

Sabti, Juun 06, 2015 (Daljir) — Wasiiru-dowlaha Maaliyadda ee dalka Uganda, Gabriel Ajedra ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabadda Maalinta Qaranka Talyaaniga oo lagu qabtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Dowladda Talyaaniga ka qaadan karto door dhexe oo aad muhiim ah sidii taageero looga geysan lahaa dadaalka loogu jiro Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka Somalia (Somali National Forces (SNF).

“Uganda waxay doonayaan inay Dowladda Talyaaniga kordhiso  taageeradaasi iyo in la xoojiyo Taliska iyo Nidaamka Kontoroolka ee Ciiddanka Qaranka Somalia” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Uganda.

Dowladda Talyaaniga waxay yabooh dhaqaale ka geystaan Mushaaraadka Ciiddanka AMISOM, inkastoo aysan Ciiddanka Somalia si toos ah uga taakuleynin dhinaca Dhaqaalaha.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com