Turkiga oo ka hadlay doorashadda Soomaaliya & khilaafka taagan

HomeWararka

Turkiga oo ka hadlay doorashadda Soomaaliya & khilaafka taagan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkiga uu ka taageerayo Soomaaliya sidii loo xallin lahaamuranka hareerayay in la

Duqa Muqdisho “Awoodsiinta Dhalinyarada waa furaha horumarka Caasimadda”
Xasan sheekh oo sheegay in madaxda dalka raali aysan ka ahayn doorasho ka dhacda Somaaliya
Maamulka degmada Ufayn oo ka warbixiyay roobab ka da’ay Uurcaleed (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkiga uu ka taageerayo Soomaaliya sidii loo xallin lahaamuranka hareerayay in la qabto doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Wakaalada wararka ee Anadolu ayuu kaga hadlay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashooyinka dalka Soomaaliya.

“Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Mevlut Cavusoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay isu keenidda dhinacyada is khilaafsan si xal ay uga gaaraan is marin-waagooda daba-dheeraaday.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga ayaa sheegay in uu qorsheynayo inuu safar ku tego dalka Soomaaliya maalmaha soo socda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: