Trump oo mar kale maamus ka xayuubin lagu sameeyay

HomeWararka

Trump oo mar kale maamus ka xayuubin lagu sameeyay

232 mudane oo ka tirsna golaha Kongress Mareykanka ayaa u coddeeyey in xalka laga qaado madaxweyne Trump oo muddo xileedkiisa ka hartay 6 bari oo kal

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga oo arimo badan ka wada hadlay (sawiro)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 52aad – maqal & muuqaal)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

232 mudane oo ka tirsna golaha Kongress Mareykanka ayaa u coddeeyey in xalka laga qaado madaxweyne Trump oo muddo xileedkiisa ka hartay 6 bari oo kaliya, halka 197 ay diideen in xilka laga qaado, iyadoo 4 ay ka aamustay, sida uu caddeeyay afhayeenka aqalka.

Fadhiga golaha wakiilada ayaa waxaa ka maqanaa labo xubnood oo keli ah, iyadoo xusid mudan tahay in golaha ay aqlabiyad aan badneyn ku leeyihiin xisbiga Dimoqraadiga.

Mooshin ayaa loo gudbin doonaa golaha aqalka sare oo ay ku badan yihiin senatarada xisbiga madaxweyne Trump ee jamhuuriga, inkastoo 10 xildhibaan oo xisbiga Trump ka tirsan maanta ka codeeyeen.

Dadka la socda siyaasadda Mareykanka ayaa saadaalinaya in aqalka sare sidoo kale ku raaci doonaan go’aanka golaha wakiilada ay ka qaateen madaxweynaha wakhtiga la idlaanayo.

Turmp ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay sharciga wadanka ka dib markii taageeriyaashiisa ku dhiirigeliyay in ay weeraraan aqalka baarlamaanka ee Capitol Hill ee magaalada Washington, inkastoo uu beeniyay eedda loo soo jeediyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: