Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga oo arimo badan ka wada hadlay (sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga oo arimo badan ka wada hadlay (sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Amb. Ahmed Issa Awad, ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, isaga oo ka guddoomay dhambaal casuumaad ah.

Intii kulanka lagu gudajiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istratijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Cawad ayaa siiyay Safiirka Talyaaniga ee Dalkan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada Guud ee Dalka, Waxa uu amaanay doorka Talyaaniga ee horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo ka qeybqaadashada dhismaha Ciidanka xooga dalka Somaliyed.

Carlo Campanile, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsanyahay Hardanka Dowladda Dhexe ay ugu jirto sidii ay usoo ceshan leheyd Maqaamkii ay ku leheyd dunida Inteeda Kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com