Togga Yalho ee Bosaso iyo Qardho oo qaaday laba qof

Togga Yalho ee Bosaso iyo Qardho oo qaaday laba qof

Togga Yalho ee dhaca wadada isku xirta Bosaso iyo Qardho ayaa xalay waxaa uu qaaday laba qof oo la socday gaari yar, iyadoona muddo dheer ay qaadatay in la baadi goobo gaadiidkii ay la socdeen iyo jirkoodii.

Labada qof ayaa ahaa ganacsato kusii jeeday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo ay xarumo ganacsi ku lahaayeen, sida Bosaso.

Biyaha kasoo dhacaya Togga oo ka dhashay roobab ka da’ayay silsiladda buuralayda ee Golis ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka magaalooyinka Puntland ee laamiga saaran.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com