HomeUncategorized

Todobaadka Dhaqanka Somalia oo ka Furmay Garowe

Somalia, December 03, 2015-(Daljir)_ Xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa waxaa galabta ka furmi doona bandhig dhaqameed qayb ka ah barnaamijka dobodaabka Dhaqanka iyo Hal Abuurka ee Jaamacadda sanadkiiba mar laga qabto maalmahaana kasocdey.

M/weyne Shariif & wafti uu hogaaminayo oo ku soo laabtay Muqdisho & shir jaraa’idna ku qabtay Villa Somaliya.
Xaalad kacsanaan ah oo wali ka jirta Islii, iyo bilayska oo wada hawlgalo amni-sugid..
(Dhagayso) Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir oo beeniyay inuu taageeray Shiicada

Somalia, December 03, 2015-(Daljir)_ Xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa waxaa galabta ka furmi doona bandhig dhaqameed qayb ka ah barnaamijka dobodaabka Dhaqanka iyo Hal Abuurka ee Jaamacadda sanadkiiba mar laga qabto maalmahaana kasocdey.

Barnaamijkaani oo uu sanadkii hore furay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa galabta laguda geli doonaa qaybta bandhiga dhaqanka, waxaana xarunta jaamacadda hada kusugan qaybaha kala duwan ee xoolaha Soomaalida.

Waxaa sidoo kale xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe kadhisan dhowr aqal Soomaali oo siweyn loogu sharaxay dhammaan agabkii uu u baahnaa, sidoo kalena ay hor yaalaan dhammaan agabkii looga bartay dhaqanka Soomaaliyeed.

By: Jaamac Abdurahman 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: