(Dhagayso) Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir oo beeniyay inuu taageeray Shiicada

Boossaaso, Janu, 16 – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir CabdiraxmaanXaaji (Gurxan) oo beeniyay inuu taageeray Shiicada, balse uu kaliya fikir shaqsi ah uga horyimid go’aankii DF ay xiriirka ugu jartay dowladda Tehran.

“Annigu kama hadlin arrin Shiico iyo arrin diineed, waxaan si shaqsi ah uga hor imid oo aanan munaasab u arag go’aanka ay DF xiriirka ugu jartay dowladda IRAN, waxaaan qabaa Soomaaliya in ay ku haboonayd cilaaqaadka xumaaday ee siyaasadeed ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudiga waxay ku haboonayd in DF ay dhexdhexaad ka noqoto, balse annigu ma qabo in xiriirka loo jaro” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Bashiir Gurxan.

Dhinaca kale – Mar la waydiiyay Wasiirka inuu baalmaray mowqifkii xukuumadda Puntland ee ku aadanayd qaddiyada Mad’habta Shiicada, ayuu sheegay in arrintaasi ayuusan ogayn meel xukuumaddu ay go’aan rasmi ah kaga qaadatay. Balse hadalkiisii la marin habaabiyay oo masaajida Garowe looga hadlay wax uusan kaba hadlin.

Hoos ka dhagayso Waraysigii wasiirka uu la yeeshay waraye Xassan Abuukar Cali (Xassan Baydhabo)

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com