Tirada dadka u dhintay Cudurka Coronavirus oo korortay.

HomeWararka

Tirada dadka u dhintay Cudurka Coronavirus oo korortay.

Tirada dadka shiinaha ah ee u dhintay Cudurka Coronavirus ayaa gaartay 490 talaadadii ka dib markii Gobolka Hubei oo loo malaynayo in cudurkaan markii

Wasaaradda deegaanka oo mashaariic ka wada Xarfo iyo Burtinle (dhegayso)
SSC forces fend off latest Somaliland attacks and advance towards Goojacadde, Somaliland’s main military base in Sool region
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Tirada dadka shiinaha ah ee u dhintay Cudurka Coronavirus ayaa gaartay 490 talaadadii ka dib markii Gobolka Hubei oo loo malaynayo in cudurkaan markii hore ka dilaacay ay ku dhinteen 65 qof caabuqaan halista ah.

Golaha Caafimaadka Dowladda Shiinaha ayaa sheegay in tirada dadka la xaqiijiyay ee cudurku ku dhacay dalkaasi ay gaartay 24,324 kadib markii 3,887 qof oo dheeri ah laga helay cudurkaan dilaaga ah.

Wadamada Caalamka qaarkood ayaa Gobolka Hubei gaar ahaan Magaaladda Caasimada ah Wuhan waxa ay ka daadguraysteen Muwaadiniintooda oo u badan arday Gobolkaasi wax ka baranaysay,halka wadama kale ay ku soo rogeen Xariyaaro aan Caadi ahayn si looga hortago faafitaan cudurkaan.

Wadamo ka baxsan Shiinaha ayaa qaarkood laga soo wariyay kiisas la xariira Xanuunka Coronavirus, iyada oo Hong Kong iyo Philippines ay soo weriyeen dad u dhintay Cudurkaan aduunka galiyay Xaaladda Deg dega ah.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ku baaqay midnimo weyn oo ka dhaxaysa bulshada caalamka, wuxuuna ku dhalleeceeyay dowladaha in ay “si weyn uga dib-dheceen” wadaagista xogta ku saabsan kiisaska cudurka, waxa uuna sheegay in uu helay foomamka warbixino dhamaystiran oo 38% ay ka baxsanyihiin dalka Shiinaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: