Taliyihii Ciidanka Madaxtooyadda Puntland oo howlgal Gaalkacyo ka dhacay ku dhintay

Taliyihii Ciidanka Madaxtooyadda Puntland oo howlgal Gaalkacyo ka dhacay ku dhintay

Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxmed (Cismaan Itoobiyaan) ayaa ku dhintay Howlgal Ciidamada Puntland ka sameeyey Warshada Kabista Gaalkacyo.

Ciidamadda Amniga Puntland ayaa saaka howlgal lagula dagaalamayo Maandooriyaha ka sameyeey warshadi hore kabadi,halkaas oo ay daganayeen Malasheeyo beleed hubaysan.

7 Qof oo isugu jiraa Ciidanka Amniga Puntand ayaa ku dhawacmay howlgalkaas waxaana ku dhintay 2 qof uu kamid yahay Taliyihii Madaxtooyada Puntland Cismaan Cumar Maxamed.

Puntland wali kama hadlin iska hor imaadkan ka dhacay Kabida Balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay war ka soo saarto.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com