Taliyeyaasha AMISOM oo ka wada hadlay xoojinta dagaalka Al-Shabaab

HomeWararka

Taliyeyaasha AMISOM oo ka wada hadlay xoojinta dagaalka Al-Shabaab

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaa

Madaxweynaha oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii wadada Maka Al-Mukarama
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
DHAHAR: WAA SIDEE NOLOSHA REER MIYIGA SOO NAQRAACAY? (daawo)

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: