HomeUncategorized

Taliyeyaal cusub oo loo dhaariyey Ha’adaha Ammaanka Soomaaliya (Sawiro)

Muqdisho 05 May 2013 Munaasabad lagu dhaarinayay taliyeyaasha ciidamada hay?adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho Xaflada dhaarinta oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Fiilo Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda sare ee dalka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Hay?adda waddooyinka Puntland ee NESHA oo dayactir ka wadda laamiga u dhaxeeyey Galkacyo iyo Cagaaran.
DHEGEYSO-Xagee marayaa gurmadka dadka abaartu ku saamaysay Puntland.
Qaramada midoobey oo sheegtay inaysan suurta-gal ahayn in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Muqdisho 05 May 2013 Munaasabad lagu dhaarinayay taliyeyaasha ciidamada hay?adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xaflada dhaarinta ?oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Fiilo Soomaaliya ayaa ?waxaa ka qeyb galay madaxda sare ee dalka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid ilka xanaf ayaa dhaariyay Taliyaha hay?adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen taliyeyaasha cusub oo loo kala magacaabay Agaasimaha hay?adda nabad sugidda General Bashiir Maxamed Jaamac iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya C/kariim Daahir Saciid.

Masuuliyiintaan cusub ee loo dhaariyey ha?adaha Ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo aadayaan? xili ay dawladdu ku mashuulsantahay Ammaanka magaalada Muqdisho.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Diwaanka wararka

Radio Daljir

(C X)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: