Taliye ku xigeenkii booliska gobolka Banaadir oo geeriyooday

Taliye ku xigeenkii booliska gobolka Banaadir oo geeriyooday

Alle ha u naxariiste taliye Ku Xigeenkii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Col Axmad Waawayne ayaa ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Taliyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii 09.05.2021 lagu qaaday Saldhiga Waabari.

Weerarkaasi oo ahaa Ismiidaamin waxaa horay ugu dhintay 2 Sarkaal, iyadoo Sarkaalkana uu noqonayo kii 3aad ee ugu darajadda sareeyay.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridda Sarkaalkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com