TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA BARI OO LAGU ULEEYEY DHISME-DUMIN DAWLADDU WADDAY.

HomeWararka

TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA BARI OO LAGU ULEEYEY DHISME-DUMIN DAWLADDU WADDAY.

Taliyaha qaybta booliska goholka Bari Cabdiqaadir Jamac Dirir, ayaa dhaawac ka soo gaaray gacan qaad uleed oo uu la beegsaday qof diidanaa duminta dhi

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqday Xarunta wasaarada ee Gaalkacyo (Sawiro)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Sharci Darro ku tilmaamay ansixinta hay’ado aan soo marin Aqalka Sare

Taliyaha qaybta booliska goholka Bari Cabdiqaadir Jamac Dirir, ayaa dhaawac ka soo gaaray gacan qaad uleed oo uu la beegsaday qof diidanaa duminta dhismayaal dawladdu horay u calaamadisay.,maantana dumintooda la bilaabay.

Ninkii lahaa gacanqaadkaasi uleed ee waxyeellada gaarsiiyey taliyaha qaybta ayay isna rasaas la beegsadeen illaalada taliyuhu, waxaana soo gaaray dhaawac xooggan xabbadeed, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Bossaso.

Dhisme-dumintaan oo ahayd dhulka haatan loo bannaynayo dekedda Bossaso iyo baakinnadeeda ayaa bulshada qaarkeeda diidmo ka muujiyeen hannaanka loo wajahayo dumintooda iyo talagalka dadkii lahaa dhismayaashaasi.

Dhawr meelood oo kale oo magaalada Bossaso ah, ayna degganyihiin dad shacab ah ayaa la calaamadeeyey, kuwaasi oo la qorshaynayo in la dumiyo, maadaama ay yihiin dhul dawli ahaa oo dad shacab ah iska dhisteen.

Horay waxaa loo dumiyey dhismayaashii afaafla hore uga xeernaa garoonka kubadda cagtaee Bossaso, kuwaasi oo ay ku jireen dhimayaal waaweyn oo ganacsi iyo guryo dad shacab ah ay degganaayeen.

Bossaso waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu waddooyinka liita deegaannada Puntland, dhul badan oo waddooyin ahaa, goobo dawladeed, iyo kuwa bannaanaa oo bilic loogu talagalay xilligii dawladda ayaa si boob ah loo dhistay xilligii burburka, taasoo keentay waddo xumo iyo waasac la’aan xagga waddooyinka ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: