HomeUncategorized

Taliyaha nabad sugida Soomaaaliya oo sheegay inay dileen horjooge Shabaab Ah (Dhegayso)

Muqidisho Nov , Taliyaha ciidanka nabad sugida Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Md Khaliif Axmed Ereg oo maaanta shir saxaafadeed ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka nabad sugida ay isu soo dhiibeen horjoogayaal Al-shabaab ka tirsan.

Ciidamo ka goostay Maamulka Somaliland oo ku biiray Ciidamada Suldan Wabar
Madaxweynaha Jubbaland oo sagootin u sameeyey xildhibaanada labada aqal.
(Dhagyaso) Guddoomiyaha gobolka Mudug oo faahfaain dheeraad ah ka bixiyay xaaladda Garacad

?

Muqidisho Nov , Taliyaha ciidanka nabad sugida Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Md Khaliif Axmed Ereg oo maaanta ?shir saxaafadeed ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka nabad sugida ay isu soo dhiibeen horjoogayaal Al-shabaab ka tirsan.

Khaliif Axmed Ereg wuxuu sheegay in ciidamada nabad sugidu toogasho ku dileen horjooge kale oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab kadib markuu isku dayey inuu ka fakado ciidanka oo rabey inay gacanta ku dhigaan.

Sidoo kale Khaliif Axmed Ereg wuxuu warbaahinta usoo bandhigay wiil uu sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka nabad sugida Soomaaliya

Magaalada Muqdisho marar badan waxaa saraakiisha nabad sugidu ku qabteen shirar ay warbaahinta ugu soo bandhigeen rag katirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibey ciidanka Dawladda, waxayna sheegaan saraakiisha Dawladu in loo sameeyo dadkaasi dhaqan celin?

Diiwaanka Wararka?

Radio Daljir

(B)

?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: