Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo xariga ka jaray Taliska ciidamada Milatariga qeybta27aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo xariga ka jaray Taliska ciidamada Milatariga qeybta27aad

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Xarunta Taliska Qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed oo laga dhisay Degmada Buulo Burde.

Madaxweyne Ku Xigeenka oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage,taliyaha qeybta 27aad Generaal Treedishe,Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si wadajir ah uga qeyb galay Munaasabada xariga looga jarayay Xarunta Cusub Taliska Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Magaalada Buuloburte ay hore u go’odoomiyeen dagaalamayaasha Alshabaab lamana oga in ka dhigista taliska ciidamada qeybta 27aad uu qorshihiisu yahay in go’odoominta laga saaro magaalada iyadoo dhowr jeer hore maamulka Hirshabelle u sheegay inuu isu furayo wadooyinka gobolka Hiiraan iyo gobolka Sh/dhexe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com