Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Shir Muhiim ah uga qayb galay Nairobi

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Shir Muhiim ah uga qayb galay Nairobi

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen da

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 16aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso|daawo)
Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo qaadacay doorashadii Cadood (War-Saxaafadeed )

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Qatar, ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay uga qeyb galeen Shir looga hadlayey arrimaha Xabsiyadda Soomaaliya, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen Madax kale duwan oo Beesha Caalamka ka socda.

Shirkaan ayaa looga hadlay siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee ku saabsan xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha ee (MPCC) oo ku yaala KM 7 ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo dhismahiisa hadda uu marayo meel gabo gabo ah, waxaana Xabsigaan uu u dhisan yahay si Caalami ah oo la mida Xabsiyadda Wadamada Horumaray oo kale, waxaana dhismahiisa dhismaha Xabsiga iyo Maxkmaddaha uu biloowday 2016 Xilligaasi oo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Shirkaan ka dhacay Magaalada Nairobi ee arrimaha Xabsiyada Soomaaliya looga hadlayo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada sare dalka, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale.

“Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta soo gaaray, waxaa halkaas uga qeyb galay shir looga hadlayo siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha ee (MPCC) oo ku yaala KM 7, Shirkaan, waxaa igu wehliya Guddoomiyaha Maxkamada sare, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: