Dhalinyaro Somaliyed oo Xabsiyada Liibya laga sii dayaay

Dhalinyaro Somaliyed oo lagu guuleystay in laga soo daayo xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Somaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray.

Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Somali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay u dulqaadan waayeen xabsiyada dalka Libya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ku haystay.

Barta xiriirka Bulshada uu ku leeyahay Safiir Ali Fiqi, ayaa wuxuu soo dhigay hadal kooban oo muujinaayay dhalinyaradaasi xabsiyada laga soo daayay iyo sida dowladda Somaliya ay ugu dadaashay.

“Wiilashi ugu horeeyay ee Xabsiyada Tajora iyo Sika ku xirnaa ayaa saaka ka ambabaxey Magaalada Tripoli iyagoo ku si jeeda dhulkoodi hooyo. Waxay marayan TUNIS, Istanbul kadibna Muqdishu, iyadoo ka degi doono Garoonka Adan Abdulle Osman maalinta Arabacada subaxdi. Insha Allah safar Salaama.” Ayuu yiri Amb. Ali Fiqi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com