Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Magacaabis sameeyey

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Magacaabis sameeyey

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa u Magacaabay Taliyeyaal Ciidamada Asluubta Gobolada,Bakool, Hiiraan iyo degmada Baraawe ee G/Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Taliyaha ayaa waxaa Gaashanle Yuusuf Cabdi Cali loo Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Bakool halka Gaashaanle dhexe Axmed Cilmi Cabdi loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Gaashaanle Sare C/rashiid Cusmaan Colow ayaa waxaa loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Xabsiga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dhawaan Magacabay Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta Jubbaland iyo Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com