Taliyaha Booliska Mudug” Al-shabaab ayaa soo qaaday dagaalkii maanta ee Gaalkacyo”(dhegayso)

HomeWararka

Taliyaha Booliska Mudug” Al-shabaab ayaa soo qaaday dagaalkii maanta ee Gaalkacyo”(dhegayso)

Inta la xaqiijiyay sadex qof ayaa ku geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal subaxnimadii hore ee maanta ka bilowday ma

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Haweenka ka ganacsada Qaadka oo eedeyn u jeediyeey Puntland (dhegayso)
Wafdi Dowladda Puntland ka socda oo gaaray gobalka Gardafuu (dhegayso)

Inta la xaqiijiyay sadex qof ayaa ku geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal subaxnimadii hore ee maanta ka bilowday magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo kala taageersan ganacsatada magaalada  Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, waxaana uu dhashay kadib markii ciidamo katirsan Galmudug ay hor-istaageen baqaar uu lahaa ganacsade reer Puntland ah oo kiro uu ugu jiray ganacsade kasoo jeeda Galmudug inuu dib u dayactir uu ku sameeyo.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegay dagaalka  inay soo qaadeen maleeshiyaad katirsan Al-shabaab, sida uu yiri, waxaana uu soo gaaray dagaalka fiidnimadan caawa ah inkastoo xaaladda ay iminka tahay mid degan.

Jamaal Faarax Aadan ayaa waraystay taliyaha.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: