TALIYAANIGA OO PUNTLAND KA TAGEERAYA SUUQGEYNTA KHAYARADKA PUNTLAND.

TALIYAANIGA OO PUNTLAND KA TAGEERAYA SUUQGEYNTA KHAYARADKA PUNTLAND.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Dowlada Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Talyaaniga H.E Luigi Di Maio iyo wafti ballaaran oo uu hugaaminayey kaasi oo socdaal kusoo gaaray Soomaaliya.

Kullanka labada wasiir oo ka dhacay xarunta safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Wasiirka arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Talyaaniga H.E Luigi Di Maio ayaa ballan qaaday in dowlada Talyaanigu ay gacan kasiin doonto Puntland hormarinta kalluumaysiga iyo wax soo saarka xeebaha, wuxuuna sheegay inay maalgelin ku samayn doonaan warshad kalluumaysi iyo mid ka shaqaysa wax soo saarka cusbada ee deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale bayaaniyey in dowlada Talyaanigu ay Puntland ka gacan siin doonto arrimo ay kamid yihiin qodobada hoos ku qoran.

▪︎Dowlada Talyaanigu waxay taageero buuxda siin doongaa iskaashatooyinka kalluumaysiga Puntland.

▪︎Dowlada Talyaanigu si ay gacan uga gaysato dhisida tayada shaqaaalla wasaaradda waxay ku casumi doonta gudaha dalka Talyaaniga si loo siiyo Tababaro Farsamo.

▪︎Dowlada Talyaanigu waxay Puntland ka taageeri doontaa suuq-geynta kalluunka Puntland iyada oo ku casumaysa maal-gashadeyaal ajnabi ah oo ku sugan Fagaarayaasha caalamka.

▪︎Dowlada Talyaanigu waxay Puntland ka taageeri doonto dhismaha dugsiyo Farsamo oo lagu barto Culuumta Badda.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dalka Talyaaniga ballan qaadka la xiriira mashaariicda lagu hormarinayo kalluumaysiga Puntland, waxaana kullanka labada wasiir uu kusoo dhamaaday si guul ah iyada oo la isku waafaqay dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com