Taliska Qeybta 27aad oo faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay ka fuliyeen Hirshabelle

HomeWararka

Taliska Qeybta 27aad oo faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay ka fuliyeen Hirshabelle

Taliska qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka fuiyeen deeg

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Taxanaha 1aad ee kobcinta waxbarashada 2019: Waxbar gabdhaha oo ciribtir faqriga (dhegayso)
Maamulka Jubbaland oo Saraakiisha ATMIS kala shiray howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliska qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka fuiyeen deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka, general Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedishe) sheegay in ciidamadu howgaldaas ku dileen 24 askari oo ka tirsanaa Al-shabaab.

“Ciidamadu waxa ay ku guulaysteen inay isku furaan waddooyin badan oo xiriiriya gobolada Hiiraan, Shabeelada dhexe iyo Banaadir oo Al-shabab ay hore u dhigteen jidgooyooyin sidoo kalena ay ku aaseen miinooyin ay ciidamadu ka saareen.”ayuu yiri General Tredishe.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay dagaalkaan inuu qeyb ka ahaa howlgal socday afar cishe oo kasoo bilowday Muqdisho laguna beegsanayay degaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Hase yeeshee ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ee xoogga dalka ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay miinooyin dhulka lagu aasay oo gaadiid ay saarnaayeen ay kula qaraxday deegaano ka tirsan Hirshabelle.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: