Tahribiyaal Somaliyeed oo Xeebaha Liibya Dooni kula dagtay

HomeWararka

Tahribiyaal Somaliyeed oo Xeebaha Liibya Dooni kula dagtay

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga in ka badan 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay

GAROWE: Booliiska oo soo bandhigay Maan dooriye Khamri & Xashiishad
Daljir & BBCMA: BARAARUGA Haweenka Taxanaha 56aad | (daawo)
MAXAY PUNTLAND UGA JAWAABTEY CABASHADA AY QABAAN GANACSATADA REER PUNTLAND

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga in ka badan 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Xeebaha dalka Liibiya.

Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa sheegay in Shilkan uu noqonaya kii ugu horeeyey ee sanadkan cusub dhaca.

Waxaa kaloo la la’yahay dad kale oo doonta saarnaa sida ay sheegtay hay’ad dalka Spian laga leeyahay oo u dooda Arrimaha Socdaalka.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in qalabka wax lagu ilaaliyo ee diyaaradaha ay kula socdeen doomaha ay saaran yihiin dadka lasoo tahriibiyo.

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ay wali ay socdaan dadaallada lagu soo badbaadinaayo dadkaasi, oo la aamin san yahay in ay ka yimaadeen Qaaradda Afrika.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2017-kii 3,000 oo qof ayaa ku haligmay badda iyagoo isku dayay inay Yurub gallaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: