GAROWE: Booliiska oo soo bandhigay Maan dooriye Khamri & Xashiishad

HomeWararka

GAROWE: Booliiska oo soo bandhigay Maan dooriye Khamri & Xashiishad

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo mid kamid ah Raggii ka ganacsanayay, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
LAASCAANOOD: Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Firdhiye oo si maamus leh logu soo dhaweyeey Magaaladda Laascaanood.
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo mid kamid ah Raggii ka ganacsanayay, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen caasimadda Puntland ee Garoowe.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal, ayaa lagu sheegay in khamridan oo gaaraysa 60 dhalo, gaarigii ay saarneyd iyo Ragii watay mid kamid ah, lagu soo qabtay gudaha Garoowe.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal ayaa u mahadceliyay ciidammada howlgalada sameeyay qabashada khamrida.

Waxaa uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: