HomeUncategorized

Suuqii Al-shabaab ay weerartay ee Westgate oo Dib loo Furayo

Arbaco, Luuliyo 15, 2015 (Daljir) — Dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa la filayaa in dib loo furo todobaaadka soo socda, kaasi oo xirnaa muddo labo sano ah kadib weerar Alshabaab ay ku qaadeen oo lagu dilay in ka badan 67 ruux oo dalal kala duwan u dhashay, sida ay shalay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dowlada Kenya.

Ciidamada Jubba oo baaritaan ka bilaabay Xaafada Faanoole ee Kismaayo oo maanta Qarax ka dhacay
Ra’iisul wasaaraha dalka oo ku wajahan magaalada Baydhabo.
Boqorka Sucuudiga iyo Obama oo ka wada hadlay arimaha Barga Dhexe

Arbaco, Luuliyo 15, 2015 (Daljir) — Dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa la filayaa in dib loo furo todobaaadka soo socda, kaasi oo xirnaa muddo labo sano ah kadib weerar Alshabaab ay ku qaadeen oo lagu dilay in ka badan 67 ruux oo dalal kala duwan u dhashay, sida ay shalay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dowlada Kenya.

Suuqa ganacsiga ee Westgate ayaa lagu sameeyay balaarin weyn, waxaana dhismahiisa u muuqanayaan mid ka duwan sidii hore, maadaama Alshabaab muddo afar maalin ah ay ka dagaalamayeen.

Gudoomiyaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya Evans Kidero, ayaa sheegay in dib u furida dhismaha Westgate aysan aheyn mid ay ka niyad jabeen markii weerarka Al-shabaab ka geysteen magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in dib loosoo celiyay dhamaan goobihii ganacsiga ee Westgate ku dhex yaalay, taasina ay keentay isku duubni ay muujiyeen shacabka iyo maamulka dalka Kenya, sida uu sheegay.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: