SUUDAN: Taliyihii hogaaminayay Afgambigii ka dhacay dalkaasi ma kamid noqon doonaa xukuumada cusub?

SUUDAN: Taliyihii hogaaminayay Afgambigii ka dhacay dalkaasi ma kamid noqon doonaa xukuumada cusub?

Taliyaha ciidamada Sudan General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa sheegay in uusan ka qeyb qaadan doonin dowlad kasta oo timaada ka dib xilliga KMG ah, waxaana uu beeniyay in ciidamadu ay mas’uul ka yihiin dhimashada dibadbaxayaal ka soo horjeeda la wareegidda militariga.

“Waa ballan-qaadkii aan u qaadnay nafteena, dadka Suudaan iyo beesha caalamka – in ay naga go’an tahay dhamaystirka ku-meel-gaarka dimoqraadiga ah, qabashada doorashooyinka waqtigooda, oo ay naga go’an tahay in aan joojinno dhaqdhaqaaq kasta oo siyaasadeed,” al-Burhan ayaa u sheegay Al Jazeera.

“Waxaa naga go’an inaan xukunka ku wareejinno dowlad rayid ah oo karti qaran leh, waxaana ballan-qaadeynaa inaan ilaalinno kala-guurka isla markaana ka-hortagno wax kasta oo caqabad ku noqon kara,” ayuu sii raaciyay.

Mudaaharaadyada lagaga soo horjeedo afgambiga dalka ayaa dhacayay tan iyo 25-kii bishii Oktoobar ee bishii hore oo ay ciidamadu la wareegeen awoodda dalka, iyadoo mudaaharaadkana uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com