Spain oo dalkeeda u ogolaatay muhaajiriin loo diiday Talyaaniga iyo Malta

HomeWararka

Spain oo dalkeeda u ogolaatay muhaajiriin loo diiday Talyaaniga iyo Malta

Masuuliyiinta magaalada dekedda leh ee Valencia ee Spain ayaa soo dhowaynaya imaashiyaha markabkii ugu horeeyey ee ay saaranyihiin inka badan lix boqo

Gudiga Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo 20,000 oo Dollar Lagu Wareejiyey (dhegayso)
Maamulka Jubaland oo dhaqan celi usamaynaya dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Masuuliyiinta magaalada dekedda leh ee Valencia ee Spain ayaa soo dhowaynaya imaashiyaha markabkii ugu horeeyey ee ay saaranyihiin inka badan lix boqol oo muhaajiriin ah oo todobaadkii hore uu soo badbaadiyay marka Aquiris.

Dowladaha Malta iyo Talyaaniga ayaa diiday inuu dalkooda kusoo xirto markabkan oo ay soo dhoweeyaan qaxootiga, waxaana muddo todobaad ah uu ku sugnaa xeebaha Yurub, isagoo waysanaa goob uu ku xirto.

Tilaabada ay dowladda Spain ay qaadatay ee ay ku qaabilayso qaxootiga ayaa farxad ku abuuray muhaajiriinta Afrikaanka ah ee markabka lasocda, iyagoona kasoo tagay wadanka Libya todobaad kahor.

Boorar ay ku qoranyihiin afaf kalle duwan oo kalimadda Soo dhowaada ah ayaa la suray dekedda Valencia, waxaana sidoo kale la diyaariyay kooxo caafimaad iyo tarjumaano, dowladda Spain ayaana baalanqaaday caafimaad bilaash ah iyo baaritaan ay ku samayn doonto dhammaan muhaajiriinta.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: