Soomaliland oo maalintii 4aad duqeynaysa laascaanood iyo dagaal ka socda Goojacadde….

HomeWararka

Soomaliland oo maalintii 4aad duqeynaysa laascaanood iyo dagaal ka socda Goojacadde….

Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada SSC iyo Soomaliland ayaa maalintii 4aad ka socda Aaga Goojacadde halkaas oo laga maqlayo daryanka hubka ee la is

Korneel Tuur: Maalin iiga farxad badan ma jirto maanta, waana jebiney dagaalkii ay maanta soo qaadeen
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Go’aanka Trump ee ciidamada Mareykanka looga saarayo Suuriya oo argagax ku riday isbahaysigiisa

Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada SSC iyo Soomaliland ayaa maalintii 4aad ka socda Aaga Goojacadde halkaas oo laga maqlayo daryanka hubka ee la isu adeegsanayo Soomaliland ayaana sii wada duqeynta ay ku hayso magaaalada laascaanood.

Gudoomiye kuxgeenka gobolka Sool ee uu dhawaan magacaabay Muuse Biixi oo saaka shaqada isaga tagey ayaa sheegay in dagaalku uu yahay saaka mid ka culus maalmihii hore .

Dhinaca kale wararka Hargeysa aanu ka helayno ayaa sheegaya in is faham waa uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaliland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomalilnd Cabdirisaaq Khaliif iyagoo isku afgaran waayey xalka arinka laascaanood Gudoomiyaha ayaa wararku sheegayaan inuu soo jeediyey in Soomaliland xabad-joojin ku dhawaaqdo balse arinkaa uu Muuse Biixi ku gacan saydhay.

Wararkii u danbeeyey dagaalka laascaanood kala soco Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: