Go’aanka Trump ee ciidamada Mareykanka looga saarayo Suuriya oo argagax ku riday isbahaysigiisa

HomeWararka

Go’aanka Trump ee ciidamada Mareykanka looga saarayo Suuriya oo argagax ku riday isbahaysigiisa

Go'aanka madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka ee wadanka Suuriya looga saarayo ayaa abuuray dhaleecayn uga imaanaysa quwadaha

QARDHO: Puntland oo shaqa joojin ku samaysay saraakil muqaal ka duubay dhalinyaro (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Jamaal Faarax Aadan (dhegayso)

Go’aanka madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka ee wadanka Suuriya looga saarayo ayaa abuuray dhaleecayn uga imaanaysa quwadaha Mareykanka saaxiibka la’ ah iyo xisbiga Jamhuuriga.

Donald Trump oo go’aankan qaatay ayaa sabab uga dhigay kadib markii ay jebiyeen awoodda kooxda IS ee Suuriya.

Laakiin dowladaha xisbiga Jamhuuriga iyo quwadaha ajnabiga ayuu ka abuuray dhaleecayn, iyagoona sheegaya go’aanka ciidamada Mareykanka looga saarayo wadanka Suuriya uu fursad u siin doono Daacish inay dib isku soo abaabusho.

Senator Lindsey Graham oo ka mid ah taageerayaasha Trump, kana xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay go’aanka la bixidda ciidamada inuu la macno yahay khalad uu horay u galay Obama, xiligii uu lasoo baxay ciidamadii Mareykanka ee ka joogay wadanka Ciraaq.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhankeeda ku qanacsanayn talaabada madaxwayne Trump, UK waxaa ay cambaaraynaysaa go’aanka Trump, inkastoo la sameyey horumar maalmihii lasoo dhaafay dagaalka Suuriya haddana waxaa ay tani fursad u siinaysaa kooxda inay dib isu abaabusho ayaa lagu yiri war kasoo baxay UK.

Xukuumadda madaxwayne Bishaar Al-asad iyo dowladaha xululafada la’ ah ee Iiraan iyo Ruushka ayaa ku faraxsan go’aanka Trump.

Mareykanka ayaa intii uu joogay wadanka Suuriya waxaa taageero toos ah uu siin jiray kooxda Kurdiyiinta ee waqooyiga dalkaasi oo dagaal kula jirta dowladda Turkiga.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: