Soomaaliya oo Shir uga qeyb galeysa Addis Ababa xilli uu weli khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya

Soomaaliya oo Shir uga qeyb galeysa Addis Ababa xilli uu weli khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Cali Cumar (Cali Balcad) oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa halkaasi uga qeyb galaya Madaxeedka 44-aad ee Midowga Afrika, isaga oo sidoo kale la kulmi doona Wasiirada dalalka Afrika eek u sugan shirkaas.

Booqashada Cali Balcad ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay marayso heerkii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah. Go’aanka Itoobiya ee ah in heshiis is-afgarad ah ay la gasho maamulka la baxay Somaliland, ayaa Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah

Heshiiskii la saxiixay 1-dii Bishii Janaayo ee sanadkan ayaan si buuxda loo shaacin balse waxa la fahansan yahay in ciidamada badda ee Itoobiya loo ogolaado inay maraan badda cas iyaga oo u sii maraya Somaliland si ay u helaan aqoonsi iyo saamiyo ay ku yeelanayaan diyaarada Ethiopian Airlines, taasoo keentay mudaharaadyo baahsan oo ka dhacay Somaliya.

Cali Balcad ayaa saxaafadda u sheegay in wadahadalka Itoobiya uu ka maqan yahay miiska ilaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu meesha ka saaray heshiiskii muranka dhaliyay ee ay la galeen Somaliland, gobolkaas oo doonayay in uu ka madax-bannaanaado Soomaaliya tan iyo 1991-kii, balse aan aqoonsi caalami ah ka helin. Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka jawaabi doonto tallaabo kasta oo ay qaado Itoobiya. “Waxaan diyaar u nahay inaan jawaab ka bixinno tallaabo kasta oo Itoobiya ay qaado ee ku saabsan heshiiska sharci-darrada ah,” ayuu ku dhawaaqay wasiir Cali Balcad.

Mowqifka Wasiir Cali Balcad ayaa waxaa horay uga dhawaajiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku cel celiyay inaysan wax wada hadal ah la geli doonin Itoobiya ilaa inta laga laabanayo heshiiskii is-afgaradka ahaa.

Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Carabta iyo xubno kala duwan oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay xiisadaha sii xumaanaya, waxayna ku booriyeen in la wada hadlo lana ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com