Soomaaliya oo Ka Qeyb-gashay Shirka is-dhex-galka Ganacsiga ee dalka Pakistan iyo Wadamada Afrika oo ka Furmay Magaalada Niarobi

HomeWararka

Soomaaliya oo Ka Qeyb-gashay Shirka is-dhex-galka Ganacsiga ee dalka Pakistan iyo Wadamada Afrika oo ka Furmay Magaalada Niarobi

Wefti ka socday Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo ay wehelinayeen guddiyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee labad

Madaxweyne Xasan sheekh oo la kulmay qaar kamid ah wasiiradda waxbarashada maamul gobaleedyada
Boqor Burhaan oo ka hadlay xiisada ka taagan magaaladda Jigjiga (daawo)
Roobabkii guga oo ka curtay deegaano ka mid ah gobolka Sanaag oo abaar daran ay ka jirtay (dhegayso)

Wefti ka socday Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo ay wehelinayeen guddiyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee labada Aqal Baarlamaan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee is-dhex-galka Ganacsiga ee dalka Pakistan iyo Wadamada Afrika oo Khamiistii ka furmay magaalada Nayroobi.

Shirkan oo ay marti-gelisay dawladda Kenya sidoo kale na uu daah-furay Madaxweynaha dalkaasi, ayaa socday muddo laba cisho ah iyada oo ay ka soo qeyb-galeen wadamo badan oo ka socday Afrika, waxaana loogga hadlay sidii wadamada Afrika iyo dalka Pakistaan ba ay u wadaagi lahaayeen fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee dal walba.

Weftiga ka socday Soomaaliya, ayaa halkaas dawladda Pakistaan iyo wadamada kale ba kula wadaagay fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya kuwaasi oo dhinacyadu ay ka sameyn karaan iskaashi kor-u-qaada dhaqaalaha wadamada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: