Soomaaliya oo ka qeyb gashay furitaanka Shirka Sanad laha ee IMF & Bangiga Adduunka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay furitaanka Shirka Sanad laha ee IMF & Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb galay furitaanka Shirka Sanad laha ah oo ay yeesheen Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF & Bangiga Adduunka.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Maaliyadda dalalka qeybta ka ah Hay’adda lacagta Addunka & Bangiga Adduunka iyo Xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shirka ka jeeddiyay khudbad uu kaga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya iyo halka ay u mareyso dadaalka loogu jiro in deymaha laga cafiyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa intii uu shirka socday kulamo kala gaar ah la qaatay Masuuliyiinta labada hey’adood, iyaga oo ka dooday barnaamijyada Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dadaal uu jirtay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta, waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay dhwor jeer ka qeyb galeen shirar looga hadlayay arrimaha deynta cafinta Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com