Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir weynaha horumarinta Caafimaadka Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir weynaha horumarinta Caafimaadka Afrika

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir weyne looga hadlayay horumarinta Caafimaadka Afrika .

Shirkan waxa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika.

Hay’adda Africa CDCayaa ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada.

Shirkan ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen guud ahaan arrimaha caafimadka gaar ahaanna waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com