Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay mataanaynta labada Caasimadood

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay mataanaynta labada Caasimadood

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane, Maxamed Xasan, ayaa kulan la qaatay Kusimaha Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ahna Safiir Kuxigeenka Mudane, Naasir Cali.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta Barnaamijyada Gargaarka bani’aadanimo ee Dowlada Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir, sidii dowladda Qatar ay maamulka Gobolka Banaadir ugu gacan siin lahayd arrimaha horumarinta Caasimadda iyo in laga wada qeyb qaato shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhismaha Dugsiyada farsamada gacanta, tababaridda shaqaalaha Dawlad hoose ee Xamar iyo dabagalka heshiisyada mataaneynta Muqdisho iyo Doxa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com