Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka wadahadlay saameynta dhaqaalle ee cudurka Karoonaha

HomeWararka

Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka wadahadlay saameynta dhaqaalle ee cudurka Karoonaha

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah oo ku

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saamaynta Xirnaanshaha Ganacsiga Boosaaso ee Magaalada Qardho (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah oo ku saabsan horumarinta arrimaha Maaliyadda.

Wasiirka waxaa uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem.

“Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa sheegay Wasiirka in kulankaasi si weyn looga hadlay dib u habeynta arrimaha maaliyadda Soomaaliya iyo saameynta dhaqaalle ee ka dhalatay cudurka Karoonaha.

“Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: