Soomaaliya & Caalamka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

HomeWararka

Soomaaliya & Caalamka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Axad aheyd dad

Degdeg: Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo ka digey dib u dhac ku yimaada Dimuqraadiyaynta Puntland
Khayre oo la kulmay dhalinyaradda Caabudwaaq (Sawiro)
Mustafe Cagjar oo Jigjiga ku soo guryonoqday

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Axad aheyd dadka Muslimiinta ah badi ay Soomanaayeen ayna dhameyareen 30-ka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Magaalada Muqdisho inta badan Maamul Goboleedyada & degaannada Somaliland ayaa Maanta siweyn looga ciidayaa, iyada oo Goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukanayaan Salaada Ciidul Fidriga.

Markii aad marto wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalinta Koowaad ee Ciida.

Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga oo Maanta loo dabaal degayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: