Soomaali ku Ganacsata meelo kamid ah Koonfur Afrika oo lagu Amray inay ka tagaan Ganacsigooda

Soomaali ku Ganacsata meelo kamid ah Koonfur Afrika oo lagu Amray inay ka tagaan Ganacsigooda

Ajaanibta ay Soomaalidu ku jirto ee ku nool, kuna ganacsada magaalada Polokwane ee gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa loo qabtay inay 7 maalin uga guuraan halkaas.

Qaar ka tirsan dadka u dhashay waddankaas ee loogu tagay magaaladaas ayaa warqado u qeybiyay Soomaalida iyo ajaanibta kale, iyagoo ka dalbaday in dukaamadooda ay uga tagaan halkaas.

Waxaa warqadda ogeysiiska ah sidoo kale ku xusneyd digniin loo jeediyay dadka aan u hoggaansamin dalabkaas.

Arrintan ayaa keentay walaac aad u xooggan, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Maxamuud Cirra-wayne, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee ku nool gobolka Limpopo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com