Somaliland oo war ka soo saartay Kulankii Farmaajo & Abiy Axmed

HomeWararka

Somaliland oo war ka soo saartay Kulankii Farmaajo & Abiy Axmed

Somaliland ayaa war ka soo saartay kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha dalka I

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Ka Wada Haddlay Xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia.
AFKAARTA SHACABKA BOSAASO & Dadaalka Issimadda SSC-khaatumo ee Xaladda Garoowe
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Somaliland ayaa war ka soo saartay kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

War lagu baahiyey boga wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday kaalinta ay somaliland kaga jirto arimaha gobolka geeska Afrika.

Warka ka soo baxay xukuumada somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.

Isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: