Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Ka Wada Haddlay Xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Ka Wada Haddlay Xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethio oo uu kulamo gaar gaar ah la lahaa, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland iyo arrimo la xidhiidha furitaanka Custom ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland leeyihiin xidhiidh tariikhiya kaas oo ku qotoma arrimaha Ganacsiga, Amaanka iyo siyaasadda, isla markaana ku salaysan iskaashi, wax wada qabsi iyo siyasad togan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland diyaar u tahay wanaajinta xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia ee soo jireenka ah, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin inlaga wada shaqeeyo wax kasta oo horumarin kara xidhiidhka labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay adkaynta xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, isagoona xusay xidhiidhkaasi in uu yahay mid ku salaysan kalsooni iyo saaxiibtinimo, waxaana uu xaqiijiyey in dalka Ethiopia ku jiro abaabulka wefti ay usoo dirayaan furitaanka Custome ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa soo afmeeri doona shafarkooda shaqo ee ay ku joogeen muddo 5 Cisho ah magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha iyo weftigisa ayaa guul ka gadhay safarkooda shaqo ee ay ku tageen dalka Ethiopia.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • CABDI AXMED DIIYE 6 years ago

    RADIO DALJIR AAD BAAN IDIINKU HABALYEYNAYAA HASHA BAAXADA LEH EE AAD U HAYSAAN BUSHADA IYO SIADA FIRFIRCOONIDA LEH EE AAD U DEEQSIINAYSAAN
    BARNAAMIJYADA IYO WARARKA AAD BAAHISAN

  • radio daljir habalyo

    • cabdi axmed diiriye 6 years ago

      habalyo waxaan idiinku habayeynayaa sida wadanimada lel ee aad bushada u gaarsiinaysaan
      barnaamijyada iyowararaka aad ugu tala gasheen dhegaystayaashiina

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com