Somaliland oo ka hadashay dagaal ka dhacay gobalka Sanaag

HomeWararka

Somaliland oo ka hadashay dagaal ka dhacay gobalka Sanaag

Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Hataaftimo oo hoostaga Magalada Badhan ee Gobolka Sanaag uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Punt

Madaxweyne Gaas oo Garoowe lagu Soodhaweeyey (dhegayso & sawirro)
A letter to My beloved Somalia
Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Hataaftimo oo hoostaga Magalada Badhan ee Gobolka Sanaag uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Puntland & Soomaaliland,waxaana dagaalkaas ka hadlay Soomaaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in dagaalkaas uu yimid kadib markii sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland ciidamo uu wato ay weerar kusoo qaaday Guddoomiyaha Magalada Badhan.

Waxaa uu sheegay in Wasiirka in Ciidamada Soomaaliland aysan u dulqaadan doonin gardaro uu sheegay in uu marwalba kala kulmo Puntland,isla markaana ay iska difaaci doonaan.

Horay ayaa deegaano iyo demooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag waxaa dagaalo ay ku dhexmareen Ciidamao kala taabacsan Soomaliland iyo Puntland wallow bilihii u dambeysay xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag ay deganaayeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: