Somaliland oo dadkeeda ka mamnuucday ka qeyb galka Siyaasadda Soomaaliya

Somaliland oo dadkeeda ka mamnuucday ka qeyb galka Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xeer Madaxweyne ka soo saaray Mamnuucidda ka qeyb-Qaadashada arrimaha Siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana xeerkaas uu u dhigan yahay.

Markuu Arkay Madaxweynaha Somaliland Go’aanka labada Gole ee (Guurtida iyo Wakiillada) kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya;

Markuu Arkay: Degreeto Madaxweyne ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).

Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu ku qancay: In ay tahay dambi khiyaamo qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Somaliland ayuu soo saaray.

1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.

Go’aankaan Maanta kasoo baxay Somaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka aocdaan howlo doorashooyin ah, isla markaana ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0