Somaliland oo dadka laga helayo Covid-19 oo sii kordhaya

HomeWararka

Somaliland oo dadka laga helayo Covid-19 oo sii kordhaya

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lag

Sucuudiga oo soo celiyaay ku dhawaad 30 Kun oo neef & Arragtida Shacabka PL (dhegayso)
AMISOM oo walac ka muujisay in Ciidamadda Maraykanka laga saaro Somaaliya
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay iyo qof u geeriyooday cudurka.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 32 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah halka hal qof oo ku noolaa Magaalada Hargeysa uu geeriyooday.

Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 21 Rag ah iyo 11 Dumar ah ayaa waxaa ay kala joogaan Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera oo kiisaska ugu badan laga helay ,waxaana dadka Cudurka laga helay ay da’dooda u dhaxeysaa 19 Sano jir ilaa 89 Jir.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga diiwaangeliyay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 257 Ruux 28 Ruux ay ka bogsoodeen halka 18 qof ay u geeriyoodeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: