Wasiirka Amniga Galmudug oo fariin u diray Ganacsatada Galmudug

Wasiirka Amniga Galmudug oo fariin u diray Ganacsatada Galmudug

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug ay uga digayaan in Al-Shabaab ay siiyaan lacagaha loogu yeero zakawaadka oo uu tilmaamay inay tahay baad shacabka in muddo laga qaadayay.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in sida Al-Shabaab ula dagaalamaan oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka Al-Shabaab siiya lacagaha baada.

Waxaa uu sheegay in dhowaan ay Baarlamaanka Galmudug horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka Argagixisada, si wax badan uga bedelaan qorshaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo cida taageerta.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Wasiir Axmed Macalin Fiqi wuxuu waday tallaabooyin ku aadan dhinaca amniga.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa la sheegaa in Al-Shabaab ay ganacsatada iyo shacabka uga qaadaan zawakaat lacago iyo xoolaha, waxaana dhowr jeer dhacay isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo la xiriiray qaadista zakawaatka laga uruuriyay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com