Somaliland:“ Booqashada Farmaajo ee Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed ”

HomeWararka

Somaliland:“ Booqashada Farmaajo ee Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed ”

Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono M

Xukuumadda Oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka
Magacyadda Wariyaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo la shaaciyeey
Warka Caweysin iyo Maxamuud Maxamed Jaamac, Daljir Garoowe (dhegayso)

Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in Wararkaasi ay yihiin been abuur, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo uusan imaan doonin Hargeysa.

“Booqashada Farmaajo ee Magaaladda Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed & Howl aan macquul aheyn !!. Go’aanka dowladnimo ee SL wuxuu u taagan yahay ilaalinta jiritaankiisa iyo degenaanshaha ” ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga soo horjeestay Warar sheegayay saacaddihii lasoo dhaafay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagaayo Magaalada Hargeysa.

Waxaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: