Somaland oo siidaysay 12 wariye oo todobaad u xirnaa

Somaland oo siidaysay 12 wariye oo todobaad u xirnaa

Maamulka Somaliland ayaa siidaayey 12 wariye oo hal maalin la wada xiray magaalada Hargeysa, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadkoodii shaqo ee maalinlaha ahaa.
Wariyayaashaan oo la xiray 13kii bishaan April, ayaa xarigooda loo aaneeyey duubista rabshad ka dhacday jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, taasoo dhexmartay maxaabiista iyo illaalada xabsiga.
Muddadii todobaadka ahayd ee wariyaashaan ay xirnaayeen waxaa socday dadaallo waanwaaneed oo lagu doonayo siidayntooda, taasoo ay ku hawlanaayeen ururuka warbaahinta Somaliland, masuuliyiin warbaahineed, warfidiyeenno caadiya iyo qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah.
Somaliland oo ka mid ah meelaha nidaamka doorashooyinka dadweyne ah ka hana-qaadeen, madaxdeedana lagu doorto afti dadweyne, aadna u beec-geysa in ay taabbo-gelisay nidaam dimuqraadiyadeed, kana qaangaartay xorriyatul qawlka, ayaa haddana si joogta ah loogu xirxiraa warfidiyeennada, iyadoo aan wax sharci ah loo cuskan xarigooda. Si la mid ahna siidayntooda ayaan badanka ku imaan hannaan sharciyadeed oo dambi-gelid iyo dambi la’aan toona aan muujinayn.
Inkasta oo maanta la siidaayey 12 wariye oo todobaad xirnaa, warbaahinno kala duwanna ka hawlgalayey, haddana weli warfidiyeenno kale ayaa u xiran xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasoo dhawaan maxkamadi siidaysay markay dambi ku wayday, misna weli u xiran xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com