Somaaliya oo soo dhaweysay heshiiska dowladda iyo Mucaaradka Liibiya

HomeWararka

Somaaliya oo soo dhaweysay heshiiska dowladda iyo Mucaaradka Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xabad joojinta ay gaareen dhinacyadda ku dagaallamaya dalka Liibiya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda A

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad
Maxaa keenay biyo yaridda kajirta Magaaladda Qardho?
Ciidamada dowladda oo howlgalo ka wada Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xabad joojinta ay gaareen dhinacyadda ku dagaallamaya dalka Liibiya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danta Shacabka Liibiya ay ku jirto Midnimada iyo wadajirta loona baahan yahay in lasi waddo wadahadallada si ay u noqdaan kuwo guuleysta.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweyneysa “is afgarad muhiim ah” oo ay ku dhawaaqday Dowladda Heshiiskii Qaranka ee Dawladda Liibiya iyo Golaha Wakiillada bishii Agoosto 20″ ayaa lagu yiri Warka dowladda.

U jeedada ayaa ah xabbad-joojin deg-deg ah, joojinta dhammaan hawlgallada millatari ee dhammaan dhulalka Liibiya, iyo in la dhaqaajiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee waddanka si loo gaaro. Xal waara oo rasmi ah oo lagu soo afjaro dagaalka iyo iskahorimaadka, iyo in la helo nabadgelyo iyo xasillooni loogu sameeyo dadka walaalaha ah ee reer Liibiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa bayaankan inuu yahay tallaabo sax ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday jihada saxda ah, waxayna ugu yeereysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Liibiya inay u hoggaansamaan una fuliyaan dhulka si loo ilaaliyo midnimada iyo dowladnimada loona wada shaqeeyo wadajirka iyo wada noolaanshaha gargaarka Qaramada Midoobay ee ku xiritaanka bogagga muranka iyada oo la oggolaado isafgarad” ayaa mar kale lagu yiri Warka dowladda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: