Somaaliya oo ka badbaaday Damicii ilmo ibraahim iyo Saxiibadood (Maqaal)

HomeWararka

Somaaliya oo ka badbaaday Damicii ilmo ibraahim iyo Saxiibadood (Maqaal)

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan iyo Raysal wasaaraha ingiriiskaTheresa May waa laba ilmaadeer ah iyana waji ingiriis ayay ku joogtaa lo

Sheekh Cali dheere oo kmiada Culumada Somaliyeed ayaa ka Hadlay Dhibatooyinka uu keeno Maandooriyaha
Guddoomiyaha Guddiga Doorshada Puntland: “Qof aan maanta isdiiwaan galin ma codeyndoono” (daawo)
Roobka Jalam iyo Aagga Buurtinle

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan iyo Raysal wasaaraha ingiriiskaTheresa May waa laba ilmaadeer ah iyana waji ingiriis ayay ku joogtaa london isaguna waji carabeed ayuu ku jooga sucuudiga.

ilmahii nabiyullaahi ibraahim caleeyhi salaam,waa fariicii labadii wiil ee uu dhalay oo kala ahaa Isxaaq iyo Ismaaciil nabadgalyo iyo naxariis korkooda ha ahaatee.labadaa wiil faracoodii ayaa hantiyay jaziiratul carab ilaa maanta.carabta waxaa dhex galay oo boqortooyada ku milmay hogaankana u haya kuwii aqoonta lahaa oo ahaa qabiilooyin kamid ah yuhuuda. maxaayeelay waligoodba waa wada daganaayeen jaziirada carabta oo isku dhex jireen,

Taariikha fog waa ka gaabsanayaa intaas ayaan ku ekaynayaa.Laakiin reerkan labaxay ala sucuud iyagu waa qoyska loo gartay in ay boqortooyo ahaadaan dalkana loogu magacdaray.iyagaana xukuma inta suldaan iyo boqor ka jirta jaziirada carabta oo dhan.ala sucuud waxaa garab siiyay oo ka adkaysiiyay qabiilooyinkii daganaa maka iyo madiina niman ay isku hayb yihiin oo wata reer galbeed gaar ahaan ingiriis oo xili fog katagay dhulkaan. laakiin ragii ku haray dhulkan hada loo yaqaan sucuudiga,ayay kaalmeeyeen oo u dhiibeen boqortooyada.

Dadkan ala sucuud iyo beeshooduba waxay noqdeen dad carbeed oo kamid ah beelaha degaanka,dhan guur dhan dhaqan iyo dhan diineedba.Laakiin way is ogyihiin ciday yihiin marwalba.Hadaba dadka loo taliyaa waa carab dadka taliyaana waa ragii awalba talin jiray uun. waxay soo saareen xili aan fogayn shidaalkii carbeed iyagaana gacanta ku haya.reer galbeed isagoo qaawan ninkaana maryo u xiray,isagaana soo hogaamiyay oo keenay afrika iyo carabtaba,waayo waanin leh garasho iyo aqoon durugsan oo maamul waana khabiir waayo usoo joogay. 

Aqoontiisa iyo dadaalkiisu waxa uu dhaliyay in uu dunida reer galbeed kanoqdo hogaamiye sare iyo dhaqaal yahan tan carabeedna qabsado wax iska yimid maha waa xikmad iyo caqli iyo dadaal uu leeyahay oo illaah siiyay sixunba ha u adeegsadee badanaa.

Dalka soomaaliya isagaa hada ka abuuray qaskaa jira ee aad aragtaan ee socda 30 sanadood,isagaana abuuray argagixisada isagaana faraya in lala dagaalamo sucuudigu.waa nin meel fog wax ka arka.carabtu waad aragtaan sida loo karbaashay ciraaq,suuriya,yeman.haday isu naxayso oo ay jirto carabnimo sidaa daraadeed maha in dadka soomaaliyeed wax ka sugaan carab iyadii baa basan ee aan waxba ahayn. soomaaliya oo labaa bi inayo oo la duleeynayo miyay ka naxayaan hadii iyagii wada dhashay isu naxayn?

Manaha waxaan u jeedaa in dadkeenu ku baraarugaan in carabi tahay adoon lahaysto oo kaalmo u baahan,waxan shuluga dheer idiin soo xirtayna eed carab moodaysaan dhabtu waa maha.carabtii dhaladka ahayd mar horaa laga adkaaday oo waa shaqaale biilkiisa ilaashanaya.

Nimankaa ilma ibraahiim isku qabo,midna waa ninka haya hogaanka iyo saldanada nina waa carab oo waakan ah ciidanka iyo shaqaalaha labaduba maanta waxay rabaan in soomaaliya ay khayraadkeeda hantaan.hadee nimankan cadaanka ah ee reer galbeedna iyagaa wata oo saamigooday leeyihiin.hada waxaa larabaa dhulkan dihin ee hore loo sahamiyay shiidaalkiisa iyo dahabkiisa aan inagu ka baahanahay.

Dhanka kale in aynu shakino oo baqno meesha mataal,waayo aduunkaan illaahay ayaa maamulkiisa wada,inagu soomaali baynu nahay dad qiimo leh oo caalamkoo dhami ka haybaysto ayaynu nahay,inagoo intan ka dhaqaalo yar kana hub yar kana dad yar ayaa awoow yaalkeen carab iyo yuhuud u diidan dhulkeena oo iska diideen gumaysi iyo duli nimo.shisheeye iyo cadaw dalkeena soo damaaciyay waa iska celinay. awoow yaasheen way ka diideen carab iyo yuhuud iyo saaxiibkood reer galbeed in ay dhulkeena inaga siistaan lacag iyo maal farabadan,waxay ka doorteen gaajo gobonimo leh oo xor ah.

Soomaaliya lamid maha afrikadan kale waa dad garankara damaca shisheeye.kolkaa dalkaan inagaa leh cid inaga fara maroojinkartaa majirto,xaqna maha in dhulkeena laynagu qabsado oo dulmiyo illaahay baa inoo hiilin marwalba.Laakiin waxaa ina jilcinaya qabyaalada dhexdeena ah ee aynu beelo iyo jifooyin isu haysano taasoo cadawgeenu ogaaday kana faa iidaysanayo in uu inagu kala qaybiyo had iyo jeer.Laakiin soomaalidu waa dad garasho leh way arkeen oo dareemeen in laysku dirayo oo hada carabtu keentay lacag farabadan oo qabiilada iyo shaqsiyaad loo qaybinayo siyaasiyiin ah oo kala dila dadka soomaaliyeed.

Tani waxay keentay in laga digtoonaado oo soomaalidu isku duubni muujisay oo ay difaacanayaan dalkooda iyo diintooda iyo dawladnimadooda.carab waxay kudoodaysaa oo lacag malaayiin ah kubixinaysaa dawlad soomaaliyeed majirtee waxaa jira boqortooyada ama dalka Ethiopia,soomaaliduna waa qabiilooyin kamid ah ethiopia.carab waxay kasoo horjeedaa in dawlada turkigu dhisto dib usoo noolaansho dawlad soomaaliyeed.waxay rabaan in xeebahan iyo dalkaan intii turki qabsan lahaa lasiiyo ethiopia oo ay heshiis layihiin. dadka soomaaliyeed oo ogyihiin in carabi ay kasoo horjeedo in dawlad soomaaliyeed dhalato.

waxaan shaki ku jirin in dawlada soomaaliyeed hana qaadayso,dalka soomaaliyeedna Turki dhisayo,dakado caalami ah,hormarinta beeraha iyo xoolaha,wadooyin isku xira dalka oo dhan,goobo dalxiis soomaaliyana ay noqonayso wadanka aduunka uugu qanisan uuguna nolasha fiican.dadka soomaaliyeedna way u kaceen dhismaha iyo difaaca dalkooda hooyo.waxaa soomaaliya ay xukumi doontaa carab iyo afrika mudo aan dheerayn.waa in aan ismaqalaa oo madaxdeena adeecnaa si cadawgu u jabo. waa inaan xoo jinaa xiriirka turkiga soona celinaa xiriirkii ruushka si xulafada duulaanka ingu ah aan uuga guulaysano.kadibna waa in aan kabaxnaa jamaacada carabta taasoo keenaysa in soomaaliya aysan yeelan cadawdanbe.dhibka waxaa galiyay soomaaliya waa kubiiridii jaamacada carabta oo aan anigu u aqaan waxa ay yihiin oo dhabta ah oo ah gole argagixiso lagu laayo dawladaha ka tirsan qaarkood sida soomaaliya.suaashaa waxay tahay maxaa argagixiso kuraacinaya adoo soomaali ah? maxaa diintaada muslimka aad uuga tagaysaa adoo ah soomaali oo aad gole shaydaan ugu biirtay?

WAA GABANKII INA BOQOR SALMAAN OO EEDADII OO BOQORAD KA AH UK. SALAAMAYA

Waxaa xusid mudan ilma yacquub in ay aduunka korkiisa kusoo mareen dhib farabadan waxbadana ay usoo joogeen,arintaa oo dhaxal siisay in ay dadaalaan ku dadaalaan shaqo iyo aqoon,waxay iska diideen jiif sida basharka intiisa kale ubadan yahay. Arimahaas waxay sababeen in ay caqligooda iyo aqoontooda ku gaareen sifahan aad u jeedaan oo ah in ay aayar xukumaan caalamkan.kama saarayno meesha in illaahay siiyay cilmi isxaaq oo ah adoogii dhalay yacquub. laakiin mid ha iloobin waligaa inagaba illaahay wax wayn buu ina siiyay ee waa seexanay oo dayacnay wixii layna siiyay halkaa ayaa laysku dhaafay,ilma yacquub adeer jiif waa kala tageen dadaalana waa gaara.balhada heer ay gaareen arag riwaayada laynoo dhigayo iyagoo maaskaraati ah ayay ina xukumayaan,intaan waxkalaba la gaareen waxaan isku dilaynaa war waa iyagii iyo maha!!!!

WQ Yuusuf Cumar 

Email.  [email protected]

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: