Somaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Kala Saxiixday

HomeWararka

Somaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Kala Saxiixday

Munaasabadan oo ku saabsaneyd mid Mashaariic horumarineed ay ku kala saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay’adda Horumarinta dalk

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashada Soomaaliya (Akhriso)
Warka Fiidnimo iyo Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)

Munaasabadan oo ku saabsaneyd mid Mashaariic horumarineed ay ku kala saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA ayaa ujeedada tahay wax ka qabadashada biya xireenada wabiga Shabeelle, Saabuuni iyo keydka Biyaha Xawaadleey, waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka, Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leeyahay wax soo saarka dalka sida kor u qaadista tacbashada Beeraha.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed ay ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka wax soo saarka Soomaaliya.
Safiirka dalka Turkiga Soomaaliya Olgan Baker oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar), wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta wax soo saarka dalkeeena.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: