Wasiirka Gaashandhiga oo Askar Ciidamadda Dowladda Katirsan Tababar u furay (dhegayso)

Wasiirka Gaashandhiga oo Askar Ciidamadda Dowladda Katirsan Tababar u furay (dhegayso)

Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tababarkaan uu u furay Ciidamadaan oo katirsan Ururka 60-aad, ahna Dufcadii 4-aad oo tababar lasiiyo, waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Muhiimad gaar ah ay u leedahay.

Waxa uu tilmaamay in ay ilaaliyaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ah Hoyga Madaxda Dowladda Federaalka, amniga Madaxda iyo Madaxtooyada ayuu tibaaxay in ay qaateen Mas’uuliyadooda.

Tababarka ay qaatadayaan Ciidamadaan ayuu ka dalbaday in ay ka faaiideystaan, Maadaama Jadwalka tababarkooda uu arkay, ayna tahay fursat wanaagsan oo ay nasiib u yeesheen.

Marwaliba ayuu sheegay in ay Al-Shabaab diyaariyaan qorshooyin cusub, si lamid ahna Ciidamada Dowladda looga baahan yahay in iyana ay dajiyaan Qorshooyin ka duwan kan Al-Shabaab ay diyaariyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com