Siyaasi Cismaan Yuusuf Xaraare oo ka hadlay wadahadalada Maamulka Somaliland iyo Somaaliya (dhegayso)

HomeWararka

Siyaasi Cismaan Yuusuf Xaraare oo ka hadlay wadahadalada Maamulka Somaliland iyo Somaaliya (dhegayso)

Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti maantay waxaa ka furmay wada-hadallo u dhaxeeya dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo Somalilan

Maamulka Somaliland oo dil ku fuliyeey rag dil horey u geeystay
Laba Qarax oo kadhacay Muqdisho
Cabdiraxmaan Cirro oo ka tacsiyeeyey qaraxii Muqdisho

Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti maantay waxaa ka furmay wada-hadallo u dhaxeeya dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, wada-hadalladaasi oo muddo taagnaa, waxaana lagu wadaa shirkaasi in uu maanta soo xirmo.

Kulankaan oo uu gogasheeda dhigay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa ka qaybgalaya saddexda masuul ee ugu sarreeya dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya sida madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo R/wasaaraha, waxaana dhanka Soomaaliland iyana shirkaasi uga qaybglaya ergo dhawr xubnood ka kooban oo uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland, wasiirkiisa arrimaha dibedda, guddoomiaya aqalka sare ee isla Somaliland iyo xubno.

Dhanka beesha caalamka waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Jabuuti Geelle ee gogosha dhigay, R.wasaaraaha Itoobiya Ebiya Axmed, safiirka maraykanka ee Soomaaliya iyo wakiillo kala oo caalami ah.

Inkasta oo shirku yahay wada-hadalladii caadiga ahaa ee dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, misna ma cadda ajandaha dhabta ah ee shirku taaban doono, waxaana furitaankii shirkaasi oo maanta ahaa laga jeediyey khudbado kala duwan oo ay jeediyeen madaxda Soomaalida ah ee ka qaybgalay iyo kuwa dunida kale.

Nuxurka hadallo jeedintaasi badankeedu waxay daarranaayeen ahmiyadda wada-hadallada iyo iskugu imaatinka miiska, taasoo loo arko in ay abuuri karto waji cusub.

Shirku wuxuu ahaa mid albaabadu u xirnaayeen, warbaahintuana ay bannaanka joogtay, taasoo xilli horaba in la helo hadallo jeedinta madaxda shirka ka qaybgalaysa.

Cismaan Yuusuf Xaraare oo ka fallooda arrimaha siysaadeed ee Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir uga hadlaya aragtidiisa shirkaan iyo waxa la fili karo in ay ka soo baxaan, waxaase uu ku horraynayaa marxaladihii wada-hadalladaasi ay soo mareen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: